Calendar

Dowlda oo baaq muhiim ah udirtay dhalinyarada Ku jiro Al-shabaab

Dowlada Soomaaliya ayaa baaq udirtay dhalinyarada Soomaaliyeed  eek a barbar dagaalameeysa Xarkda Al-shabaab  in ay sida ugu dhaqsaha badan uga soo wareegaan dhinaca Al-shabaab  waxa ayna doowlada uqabatay  mudo boqol maalmood ah iney isku soo dhiibaan dhalinyarada katirsn ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom,

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay dhamaan dhalinyadara Soomaaliyeed ee  kamidka ah ururka al-shabaab iney dowlada isku soo dhiibaan.

Wasiirka ayaa dhalinyarada Kubooriyey iney dadkooda dhinac karacaan isla mar ahaantaane ay mustaqbalkooda badbaadiyaan, wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ayaa uurkutaalo kutilmaamay in dhalinyarada da’doodu aad u yartahay ay ka mid yhiin kooxdaasi  kuwaas oo kujira xiligii waxbarashada oo ay dhisan lahaayeen noloshooda iyo aayohooda danbe iney ku baaba’aan dagaalo laga leeyahay ujeedooyin guracan sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa u ballan qaaday dhalinyarada isa soo dhiibay in aan wax dhibaata ah loo geysan doonin dowladune ay gacan buuxda siin doonto sidii ay u yeelan lahaayeen mustaqbal ifaya oo ka duwan mid ka ay haatan kunoolyihiin, Wuxuuna ku amray ciidamad Xoogada dalka Soomaaliyeed iney si wanaagsan usoo dhaweeyaan cidkasta oo kasoo goosatay ururka al-shabaab wax dhibaato ahne aan loo geysan.

Cafiskan uu soo  saaray wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa daba jooga qudbad uu madaxweynaha  Soomaaliya jeediyey markii la doortay taasoo ahayd inuu gacma furan kusoo dhaweynayo dagaalyahanada Soomaalida ah ee u dagaalama ururka al-shabaab, ciidamada dowlada ayaa dhawaanahan alshabaab kasaaray deegaano badan oo ay ka arimin jireen sanooyinkii lasoo dhaafay waxaana hada muuqata in dowlada Soomaaliya ay u tafxaydatay  istaraatiijiya cusub oo ay ku wiiqayso cududa shabaab  taasoo ah iney  dhalinyarada aaminsan fikirka al-shabaab ku  qanciso iney ka tanaasulaan kasii mid ahaanshaha al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab oo dhawaanhan awoodoooda Milatari ay faraha ka siibaxeeeysay Ayaa waxaa udagaalama dhalinyaro aad u da’yar ku waasoo loo adeegsado dagaalda Ay kooxdaasi kula jirto dowlada Soomaaliya iyo ciidanka Midowga Africa eek u sugan Soomaaliya Talabadaan ay dowladu qaaday  hadii ay dhalinyaradaas qaataan waxaa laga yaaba in Al-shabaab ay wayaan taageerada iyo garabka dhalinta Soomaaliyeed

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: