Calendar

Qarax ka dhacay Muqdisho [ SAWIRO + MUUQAAL ]

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sheegay in baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey uu ku qarxay magalada Muqdisho.

Inta la ogyahay 3-dex qofood ayaa ku dhintey oo ku jirey ninkii gaariga watey ayaa ku dhintey, halka ay 7-kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo la geeyay isbitaaladda.

Qaraxa ayaa lala eeganayay kolanyo gawaari ah oo wateen ciidamada nabad ilaalinta AMISOM kuwaas oo wada Maka Almukarama marayay,, iyadoona aysen jirin wax qasaaro oo soo gaarey AMISOM.

Afhayeenka ciidamada booliska Jen C/laahi Xasan Bariise oo saxafada kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku eedeyay Al shabaab iney ka danbeyeen qaraxa.

“Kooxihii wax qarxin jiray ee Shabaab oo maalmahan naf la-caari ah ayaa maantana isku dayey inay magaaladaan dhibaato ka geystaan.” ayuu yiri afhayeenka booliska oo Al Shabaab ku eedeeyay qaraxa maanta.

Ciidamada AMISOM ayaa cambaarey weerar qaraxa, iyadoona sheegay ineysan wax qasaaro soo gaarin kolanyadooda lala eegtey weerarka.

[slidepress gallery='qrx']

“Wuxuu weerar dhibaato ku ah nabada iyo dib u dhiska ku soo laabanaya Muqdisho, waxayna muujineysaa in kooxaha Al Shabaab iyo Al Qaacida aysan rabin in nabadda ku soo laabato Muqdisho.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Al Shabaab ayaa sheegtey iney weerarka qaraxa ay la eganayeen kolanyada AMISOM kaas oo sida ay leehyihiin uu saarnaa sarkaalka ugu sareeya sirdoonka Mareykan-ka ee Geeska Afrika, ayna dhaawaceen, balse cid warkaas xaqiijin karta ayaan jirin.

Wada Maka Almukarama waxa ay halboole u tahay isku socodka magalada Muqdisho iyadoona ay isticmaalaan saraakiisha sarsare ee dowlada iyo madaxda kale ee wadanka kuimaanaysa booqashada, dhinaca kalane ganacsi badan ayaa ka furmayay tn iyo markii Mogadishu ay ka baxeen Al Shabaab.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: