Calendar

Wasiirkii ugu horeysay oo is casiley

Muqdisho:- Abuukar Xasan Cali oo maalintii shalay loo magacaabay Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaayaa goordhow si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu iska casilay xilkii loo magacaabay.

Abuukar Xasan Cali oo shir jaraa’id ku qabtay mid ka mid ah hotelada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ka dib wadatashiyo uu la yeeshay waxgaradka beeshiisa ee dal iyo dibaba jooga inuu go’aansaday inuu iska casilo jagada wasiir ku xigeenka maaliyadda ee shalay loogu magacaabay wareegto ka soo baxday xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.

“Kadib wadatashiyo iyo iswareysi aan la yeeshay odayaasha iyo guud ahaan waxgaradka beesha aan ka dhashay ee dal iyo dibadba jooga waxaa ii soo baxday inaan beesha u qaadin wax aanu qalmin, sidaa darteed maanta waa Jimce laakiin maalinta berito waxaan warqaddeyda istiqaalada geyn doonaa xafiiska raysul wasaaraha.” ayuu yiri Abuukar Xasan Cali.  [AKHRI; Liiskii wasiir ku xigeenada ee shalay dawladu ku dhawaaqday]

“Wasiir qabyo ah”

Abuukar Xasan Cali wuxuu sgeegay in wasaaradda maaliyada loo magacaabay labo wasiir ku xigeen iyo wasiiru dawle taasoio uu sheegay inay hagardaamo ku tahay shaqada qaranka maadaama saddex xil oo aan meesha oolin la isduldhigay, sida uu yiri.

“Waa wasiir qabyo ah,.. marka la yiri labo wasiir ku xigeen iyo wasiiru dawle yeelaneysaa wasaaradda maaliyadda.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Wuxuu ku dhaliilay xukuumadda cusub ee raysul wasaare Shirdoon mid aan waxtar lahayn oo kaliya xilal la iska magacaabay.

Tan iyo markii dawlada cusub ay ku dhawaaqday gole wasiiro oo ka kooban 10 wasiir ayaa beelo fara badan oo Soomaalida ka mid ah waxay si weyn u mucaaradayeen xukuumadda cusub, hase yeeshee waa xubintii ugu horeysay ee ka tirsan xukuumadda raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo si cad warbaahinta uga dhawaaqa inuu xilkii loo magacaabay iska casilay.

XIGASHO:- RBC Radio

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: