Calendar

Shacabka Degmada Waabari oo Saakay Xafadooda ku arkay Arin ay ka Naxeen marna ay ku Ooyeen

Wararka aanu ka heleeno Degmada Waabari ee gobolka Banaadira ayaa sheegaya in Degmadaasi saakay waabarigii lagu arkay dad  meyd ah oo shacabkii indhaha saaray aad ugu naxeen.

Meydadka ayaa ahaa wilal dhalintari ah sida dadweynaha ay inoo sheegeen oo si xun loo dilay,dabadeedna la soo dhigay xaafad ka mid ah xaafadaha Degmada Waabari oo ka mid ah Degmooyinka gobolka Banaadir.

Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa sida ka muuqatay waxaa loo adeegsaday dhagxaan,iyadoo ilaa iyo iminka aan la ogeyn cida ka danbeysa iyo sababta loo dilay.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in meydka loo qaaday durbadiiba xarunta hay’ada danbaarista xakuumada Soomaaliya si halkaasi loogu sameeyo baaritaan la xariirta ogaanshaha cida ka danbeysa dailka wiilkani dhalinyarada ah iyo cida ka danbeysa dilkiisa.

Arintaani oo kale ayaa ku cusbooneyn dhegaha iyo indhaha shacabka soomaaliyeed gaar ahaan shacabka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya,

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: