Calendar

Wasaarada warfaafinta iyo saxafada Puntland oo is haya

Khilaaf balaaran ayaa ka dhex abuurmey wasaarada warfaafinta iyo saxafiyiinta ka howl gasha deeganadda Puntland markii saraakiil sarsare oo dowlada ay ku hadleen hadalo ad-adag.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlayay idaacada Daljir eek a howl-gasha Puntland ayaa sheegay inuusan aqoonsaneyn wax wariye ah oo ka shaqeyaa deeganadda Puntland.

Hadalkaan ayaa yimid markiiay ururka wariyaasha Puntland uu canbaareyay markii ay wasaaradda warfaafinta ay kasoo horjeesatey iney saxafada kala tashato sharci cusub oo saxafada loo sameynayo kaas oo wasarada ay gacanta ku hayso.

Burhaan Axmed Daahir oo ah Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta ay sameynayso sharci saxafadeed aan warbaahinta laga tashan, taas uu sheegay ineysan socon Karin.

Xoghayaha ururka saxafiyiinta Puntland ayaa baaq u direy baarlamaanka Puntland iyo madaxweynaha uu sheegay ineysan meel marin sharcigaan iyadoo aan lagala tashan saxafada oo lagu dhaqi doono.

“Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay inay xeerkii diyaariyeen Baarlamaankana la horgaynayo, M/weynaha waxaan ka codsanaynaa arinkaasi inuu dib u eego Baarlamaankana waxaan ka codsanayaa sharcigaas inaysan ansixin oo noosoo celiyaan” ayuu yiri Burhaan Axmed Daahir.

Khilaafka ka dhexeya wasaarada warfaafinta iyo saxafiyiinta ka howl-gasha Puntland ayaa u eg iney circa isku sii shareerayso, hadii aysen soo kala dhex galin madaxda sarsare.

Maamul goboleedka Puntland ayaa lagu eedeyaa inuu dhibaato badan kuhayo saxaafada iyadoona la xirxiro wariyaasha iyo xarumaha warbaahinta iyadoo aan si sharci ah loo marin.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: