Published On: Wed, Dec 5th, 2012

Wasaarada warfaafinta iyo saxafada Puntland oo is haya

Share This
Tags

Khilaaf balaaran ayaa ka dhex abuurmey wasaarada warfaafinta iyo saxafiyiinta ka howl gasha deeganadda Puntland markii saraakiil sarsare oo dowlada ay ku hadleen hadalo ad-adag.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlayay idaacada Daljir eek a howl-gasha Puntland ayaa sheegay inuusan aqoonsaneyn wax wariye ah oo ka shaqeyaa deeganadda Puntland.

Hadalkaan ayaa yimid markiiay ururka wariyaasha Puntland uu canbaareyay markii ay wasaaradda warfaafinta ay kasoo horjeesatey iney saxafada kala tashato sharci cusub oo saxafada loo sameynayo kaas oo wasarada ay gacanta ku hayso.

Burhaan Axmed Daahir oo ah Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Puntland ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta ay sameynayso sharci saxafadeed aan warbaahinta laga tashan, taas uu sheegay ineysan socon Karin.

Xoghayaha ururka saxafiyiinta Puntland ayaa baaq u direy baarlamaanka Puntland iyo madaxweynaha uu sheegay ineysan meel marin sharcigaan iyadoo aan lagala tashan saxafada oo lagu dhaqi doono.

“Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay inay xeerkii diyaariyeen Baarlamaankana la horgaynayo, M/weynaha waxaan ka codsanaynaa arinkaasi inuu dib u eego Baarlamaankana waxaan ka codsanayaa sharcigaas inaysan ansixin oo noosoo celiyaan” ayuu yiri Burhaan Axmed Daahir.

Khilaafka ka dhexeya wasaarada warfaafinta iyo saxafiyiinta ka howl-gasha Puntland ayaa u eg iney circa isku sii shareerayso, hadii aysen soo kala dhex galin madaxda sarsare.

Maamul goboleedka Puntland ayaa lagu eedeyaa inuu dhibaato badan kuhayo saxaafada iyadoona la xirxiro wariyaasha iyo xarumaha warbaahinta iyadoo aan si sharci ah loo marin.

 

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

- Mohamed Mascuud is the Editor in Chief of Bartamaha.com and a Contributor to Soomaalo.com. Mascuud is a Young and talented Somali Journalist.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";