Calendar

Xukuumadda oo la taageray

 

Banaanbax balaaran oo lagu taagerayaay xukuumadda cusub ee dhawaan uu soo dhisay Ra’isal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saaciid ayaa waxa uu ka dhacay magalada Muqdisho.

 

Dadweyne gaarayay kumanaan qof ayaa iskugu soo baxay garoonka Stadium Muqdisho halkaas oo kula hadleen madax kala duwan oo dowladda.

 

Gudoomiyaha Gobolka Banadir Maxamed Nuur Tarzan oo la hadlayay banaanbaxa waxa uu sheegay iney aad ugu farxeen markii golle wasiiro oo tiro yar oo tayo badan la magacaabay.

 

Tarzan ayaa sheegay inuu wadanka ka baxay in la golaha wasiiradda laga dhigo meel miyaarad ah oo la isku arko haatane ay noqoneyso meel dadweynaha loogu adeego.

 

Dhankiisana Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo la hadlayay dadka ayaa sheegay iney hortaalo xukuumadiisa howl adag oo doonayso iney waxbadan ku qabtaan.

 

Waxa uu sheegay Saacid inuu ka rajeynayo baarlamaanka iney codka kalsoonida ay siin doonto xukuumadda usoo dhisay si lamid ah codkii aqlabiyadda ahaa ee isaga ku ansixiyeen.

 

Ra’isal wasaaraha ayaa la filayaa in xukuumadda uu horgeeyo baarlamaanka dhawaan iyadoo ay jirto in xubno ka tirsan baarlamaanka ay codsanaya in lasoo dhameystiro xukuuumadda si ayada dhan la iskugu wada ansixiyo ama loo diido.

 

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: