Calendar

Xulka Masar Oo La Hoyday Koobkii 7-aad, Ee Qaramada Africa

MASARXulka Masar ayaa la hoyatay Koobkii Qaramada Afrika Lagu soo gabagabeeyay  Caasimadda Waddanka Angola Ee Luanda, Ciyaaar Ee la ciyareen xulka Ghana Finaalkii Koobkaani,.

Ciyaartaani ayaa ahayd kama danbaysta, iyadoo Labada xul ay ku tashanayeen inay hantaan Koobkaani qiuruxda badna oo yaalay Garoonka Accra Sports Stadium.

Ciyaartoyda Lafdhabarta u ahayd Xulka Chana ayaa dhaawacyo ugu maqnaa Ciyaarta, sida Captainka Chana Ee Essien oo bilaawgii Ciyaarahaan Dhaawac soo garay uusan nasiib uyeelan in uu kusoo laabto Koobkaani intii Xulka Chana ay halgamayeen.

Xulka Chana Waxuu Semi-finalkii koobkaani Caayaar adag la ciyaaray xulka Nigeria, oo ah xulalka Afrika kaso jeeda Ee Koobka adduunka ka qayb gali doono, taasoo ugu danbayntii ee 1-0 ugu awood roonaadeen. iyadoo halyeegii Chana uu ahaa A. Gyan oo Semifinalka Koobkaani iyo Finalka keenay goolal uu u dhaliye Xulkiisa Chana,

Ciyaartoyda xulka Masar oo ah ciyaaryahaano si wanaagsna kubada iskula qaybsada ayaa waxaa jiray ciyaarto Lafdhabar u ahayd Ee Xulka Masar aysan nasiib u yeelan inaa Ciyaaraan Kooobkaani, african Nation Cup, oo sida xiisaha uu ugu soo gabgaboobay Waddanka Angola, Abu tarika, Barakaat iyo Mido ayaa seegay masraxa Xulka Masar Sanadkaani.

Ciyaartoyda xulka Masar waxay ahaayeen kuwa qibrad u leh koobkaani, iyadoo dhamaan kulamdii ay ciyareen ay ahaayeen xulka qura ee ku qaaday Koobkaani bareejo la’aan iyo guuldaro la’aan,(Un Gaol and Un Beatten) iyadoo Kulankii Semi finalka ahayd Ee Ciyaar xiisa badan la yeeshayn xulka Alegria, oo sida lawada xasuusto ee xifaaltan gaar ah uu kala dhaxeeye iyadoo Xulka Masar loo aqoon saday inuu seego Koobka Adduuka 2010, maadaam Algeria Ee 1-0 Kulan kala bax ah ee ku dharbaaxday Masar, ciyaar ka dhacday Waddanka Sudan,

Ka hor inta aysan Ciyaarin koobaakaani Qaramada Afrika Finaalka Xulalka Chana iyo Masar waxaa jirtay Sadaal badan oo laag dhiibtay Kulankaani, iyadoo Xulka Chana intabadan loo saadaalinaye inuu ka awood roonaan karo Xulka Masar, iyadoo Chana lagu tilmaamaye Xul adag iyo ciyaarto tayo leh, oo kasbaday inay xulkooda ka qayb galiyaan koobka aduunka, laakin xulka Chana Ciyaartoydi Finalka ciyaareesay waxay ahaayeen kuwa aan qibrad sidaa ah lahayn, iyagoo xulka Chana usoo qaday koobka Dhalin yarada Adduunka,

Ciyaarta oo ku bilaabatay jawi aad u macaan iyo taageerayaashuu igu badna oo garaya 45,000 iyadoo Ciyartaan ka dhacaysay Garoonka Accra Sports Stadium.

Qaybtii hore Ee Ciyarat waxay uu muuqatay mid ay kala baqayeen Labada dhinac maadaama uu kulanka yahay mid Final ah, Xulka Masar ayaa u muuqday mid kubada garoonka ku hayn kara, halka Xulka Chana uu daafaciisa uu aad u adkaa, walaw fursadaha ay abuuran Chana ay ahaayeen kuwa durbadiiba gaaraya goolka Masar, iyadoo Ciyaarta qaybtii hore lagu kla nastay bareejo 0-0.

Ka dib markii al isku soo biya cabay ayaa dib la iskugu soo laabtay fagaraha wayn Ee  Accra Sports Stadium, iyadoona aad moodo markii aad ciyaarta daawanayso in Ciyartoyda Chana  ay kusoo heshiiyeen inay bareejo ku celiyaan, halka Xulka Masar oo ahaa gool raadis ayaa kubada dhaafin waaye daafac Reer Chana oo caawinaad ka helaya ciyaartoyda kale.
Xulka Masar oo sameeye badalo badan ayaa usuura gashay in ay aburaan furado badan, Captainka Xulka Masar, Axmed Xasan ayaa intabadan banaanka kubadda ka tooganye laakin ma aysan ahayn kuwa ku toosan shabaqa Chana, halka Weeraryahaankooda Zidan oo ku mashquulay Daafac Chana sidii uu mar uun ugu fakan lahaa.

Dhamadkii Ciyaarta Daqiiqaddii 85-aad Waxaa hal mar badalay shucuurtii garoonka Xidiga badalka ku suoo galay ee Xulka Masar u ciyaaraye Ee Mohamed Gedo,kadib markii Kubad uusoo abuuray usiisaxay Zidan, sidaasian uu shabaqii la taaban waaye Ee Chana uu Gool aad loogu farxo uu daba marsiiye Gool hayaha xulak Chana ee Richard Kingson.

Ciyaartoyda Xulka Chana waxaa soo wajahay niyad jab aad u xuma tasoo markii danbe garoonka badal ahaan loogu saaray Waa Xidigii u dhaqdhaqaaqaye Chana Ee Gyan, taasoo ee Taageeraaal badan ka xumadeen, iyadoona ugu danbayntii lagu daray 3 daqiiqo,laakin xulka Chana ma aysan u arkin fursad, halka Xulka Masar iyo Tababaraheeda Shehata uu garoonka soo galiye Daafac kale, taasoo ugu danbayntii e guusha ku raacday Xulak Masar 1-0.

Xulka Masar waa Xulka ugu Koobka badan Taariiqda Koobkaani isagoo horay u qaaday 6 koob, isalmarkaani uu Kii 7-aad Caawa la hoyday.

Cabdiqadar Shakra
Radio RBC Sports

Comments

comments

Category : Sports, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: