Calendar

Yaa mas’uul ka ah dhibaatada ku dhacday dhalinta Soomaaliyeed ?(Maqaal)

Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee uu madaxweynaha ka ahaa allaha ha unaxariistee maxamed siyaad barre ayaa waxaa dalka ka dhacay xasuuq fara badan , kufsi , dhac, iyo burbur dhaqaale oo lixaadleh iyadoo arinta ayka qeebqaateen beelo iska soo horjeeda.

waxaa abuurmay hogaamiyo kooxeedyo iyadoo hogaamiya kooxeed kasta uu taageero ka helayay beesha uu kasoo jeedo.

Inta badan dhalinta soomaaliyeed waxaa gacanta loo galiyay hub aysan waligood arag waxaana la baray in ay wax dilaan, waxna dhacaan ,waxay noqdeen kuwo lagu adeegto sidii ladoonana laga yeesho, markii ay dhibaato lasoo gudboonaato oo ay wax yeelo kasoo gaaraan shaqadii ay u hayeen dadkii ku adeeganayay ma jirto cid daryeeleysa kaliya waxaa lasoo daweeynayaa intuu bedqabo shaqadii loo dirana kasoo bixi karo.

Kadib burburkii soomaaliya waxaa gudaha dalka iyo dibadiisa ka dhacay shirar dib u heshiisiin laakiin ma noqon kuwo mira dhala , oo dhalinyaradu weey ku hungoobeen iyagoo ahaa kuwa dhibka ugu badan uu ku dhacayay , shacabkoodana ugeysanayay dhib kasii badan.

Dabayaaqadii 2005ta shirkii ka dhacay dalka kenya ee lagu soo doortay madaxweynihii hore cabdullaahi yuusuf axmed ee talada laga wareegay ayaa qaar kamid ah dhalinta soomaaliyeed waxay u arkayeen inay wax uun kasoo bixi doonaan .

Waxaa sidoo kale xusid mudan in ay caasimada soomaaliya ee muqdisho ka abuurmeen midoowgii maxaakiimta islaamka kuwaas oo ku fiday inta badan gobolada dalka soomaaliya , iyagoo deganaan iyo xasilooni kusoo celiyay goobihii ay ka talinayeen, iyadoo ay u muuqdeen rajo usoo baxday dhalinta oo inta badan kusoo barbaaray dagaalada sokeeye waxa ayna la noqotay in ay heleen nabad aysan waligood arag. Balse labadaasi rajooyin lix bilood kadib waxa ay isku bedeshay jawi colaadeed , kadib markii dalka soomaaliya aysoo galeen ciidamada doowlada itoobiya oo garab iyo taageero siinayay doowlada KMG soomaaliya oo fadhigoodu ahaa magaalada beydhabo ee gobolka baay.

Waxaa uu dagaal lagu hoobtay dhexmaray ciidamada doowlada itoobiya iyo ciidamada doowlada kmg oo dhinac ah ,iyo midowgii maxaakiimta islaamka oo dhan kala ah iyadoo looga itaal roonaaday midowgii maxaakiimta taana waxa ay usuura galisay doowlada kmg iyo ciidamada doowlada itoobiya in ay gudaha caasimada soomaaliya soogalaan.

Dagaaladaasi waxaa ku nafwaayay kumanaan dhalinyaro soomaaliyeed oo labada dhinac u dagaalamayay iyadoo boqolaal isugu jira dumar , caruur iyo waayeelo kalana ay ku geeriyoodeen kuwo kalana ay ku dhaawacmeen iyadoo in ka badan mayan shacab soomaali ah ay ku bara kac

Ciidamada itoobiya waxay duqeen ba,an ugeesteen meelihii lagama maarmaanka uahaa bulshada soomaaliyeed sida goobihii wax barashada, cusbitaalada , goobihii ganacsiga , iyo meelo kale oo muhiim uahaa shacabka soomaaliyeed.

Ciidamada doowlada kmgka waxay xabsiyada u taxaabeen dhalinyaro fara badan oo aad u da,yar kuwaa oo ay kusheegeen in ay garab siinayeen kuwa dagaalka kula jira doowlada kmgka.

Midoowgii maxaakiimta waxa ay ukala go, een dhowr qeebood iyadoo qeybtii ugu horeysay isku magacaawday ururka xarakatul shabaab .

Ciidamadii dowlada itoobiya ee kusugnaa gudaha dalka soomaaliya waxaa lagu soo kordhiyay ciidamo ka socda midowga afrika . \

Sidoo kale waxaa abuurmay qeybkale oo kasoo go,day midoowgii maxaakiimta kuwaa oo iyana isku magacaabay ururka xisbul islaam. Labada urur waa xarakatul shabaab iyo xisbul islaam waxay sheegeen in ka siman yihiin sida ay uga soo horjeedaan ciidamada shisheeye ee kusugan gudaha dalka soomaaliya ayna la dagaalami doonaan.

Dabayaaqadii 2008da waxaa xilka laga qaaday cabdullaahi yuusuf axmed iyadoo shirkii ugu dambeeyay ee lagu qabtay dalka jabuuti laguna soo doortay madaxweynaha talada dalka iminka haya shiikh shariif shiikh axmed . iyadoo dad badan oo soomaaliyeed soo dhaweeyeen , dhalinyaro badan iyo shacabka ka bara kacay guryahooda kuna dayac dareesnaa duleedka magaalada muqdisho u arkayay in ay wax badan is bedeli doonaan maadaama ciidamada itoobiya dalka ka baxeen , shiikh shariifna uu ahaa gudoomiyihii midoowgii maxaakiimta kuwa kasoo horjeedana ay ahaayeen kuwii horay ugu doortay gudoomiye maadaama maantana uu noqday madaxweeyne ay soo dhaweeyn doonaan laakiin taa ma noqon mid suura gasha

. Labada dhinac waa doowlada kmgka iyo ururada alshabaab iyo xisbul islaam waxa ay dhalinta soomaaliyeed kala kulmeen dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid yihiin iyagoo kuwaayay dagaalada walaalahood iyo waalidiintoodii.

Inta badan dilalka loo geeysto dadka aan wax galabsanin ee bulshada wax u haya sida siyaasiinya culumaa,udiinka saxafiyiinta iyo dadkale waxaa loo adeegsadaa inay fuliyaan dhalinyaro soo maaliyeed. Iyadoo la ogyahay in11iyo toban dhalinyaro soomaaliyeed ay dhibaato farabadan usoo mareen xorinimo ay yeelato dalka soomaaliya , Hadaba waa maxay dhalinta oomaaliyeed sababta ay isku weydiin la,yihiin ujeedada ay kaleeyihiin dadka iyagu ku adeeganaya? Hadiise ay burburiyaan dhulkooda hooyo dadkoodana ka dhigaan kuwo ay laayaan iyo kuwo ay bara kiciyaan maxay iyagu ku dambeendoonaan yaase dalka soo maaliya ka difaaci doona cadoowga kusoo duula .

Dhalinyaro badan oo ah kuwa ay usuura gashay inay wax bartaan ayaa waxa ay isku dayeen inay sameestaan urur kashaqeeya nabada laakiin ma noqdaan ururada ay dhalintu sameestaan mid sii shaqeeya taana waxaa sabab u ah iyadoo uusan wali qabiilku ka dhamaan dadka soomaaliyeed .iyadoo 11iyo tobankii dhalinyaro ee syl ay ahaayeen kuwo aad uga fog qabiil waxayna ku midooween soomaali nimo , Hadaba kudhawaad 20 sano muxuu qabiilku kusoo kordhiyay umada soomaaliyeed oo aan ahayn colaad aan dhamaan , maxayse isku fahmi la,yihiin umadda soomaaliyeed ? iyadoo dadka soomaaliyeed lagu tilmaamo inay yihiin dad isku af isku dhaqan iyo isku diin intaba ah.

Inta badan dhalinta soomaaliyeed mahelin mana helaan iminka waxbarasho dhameystiran ,iyo goob amaan ah oo ay naftooda kumaareeyaan ,kana shaqeeystaan. Taana waxa ay ku kaliftay in ay ka hayaamaan dalkoodii hooyo iyagoo ka doorbiday inay naftooda ku haligaan dhulalka saxaraha ah iyo badaha iyagoo ujeedadoodu tahay nolol ama geeri.

Qaarkale oo kamid ah dhalinta soomaaliyeed waxa ay hooy ka dhigteen wadooyinka cidlada ah iyagoo noqday derbiyo jiif ,waxayna saaxiib kadhigteen daroogada gaar ahaan koolada, xashiishada , iyo qaadka , si ay isku hilmaansiiyaan duruufaha adag ee ay ku noolyihiin.

Guntii iyo gabagabadii su,aasha is weeydiinta mudan waxa ay tahay ,[Yaa mas,uul ka ah dhibaatada kudhacday dhalinta soo maaliyeed? Maxaase la gudboon dhalinta soomaaliyeed?

 

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: